Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa u dhoofay dalka Eritrea, maanta oo Jimce ah.

Ujeedka socdaalka Farmaajo oo aan wali si rasmi ah loo ogayn ayaa yimid kadib casuumaad oo ka helay dhigiisa waddankaas.

Isias Afawerki iyo Farmaajo ayaa lagu waddaa in ay yeeshaan kulamo laba geesood ah oo looga hadlayo arrimo badan oo ku aadan gobolka.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo fahfaahino kooban kasoo saartay safarka madaxweynaha ayaa shaacisay in lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Eritrea ayaa kamid noqotay dowladaha saaxiibka dhow la ah dowladda Farmaajo, waxaana ay kawada tirsan yihiin iskaashiga dhaqaale ee gobolka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this