Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Jubaland oo dilay hubna ka furtay xubno Al-Shabaab ahaa + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Howlgal ay ciidamada Jubbaland galabta ka fuliyeen deegaan lagu magaaco Yaaq Bishaaro oo dhaca duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo, ayaa lagu dilay xubno Shabaab ah, iyadoo ay ciidamadu soo bandhigeen hub ay ku soo furteen howlgalkaas.

Meydka ilaa seddax ruux oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab ayey soo bandhigeen ciidamadu, iyagoo sheegay inay hayaan hal dagaalame oo ay dhaawac ku qabteen.

Abaanduulaha guutada koowaad ee ciidanka daraawiishta Jubbaland Aadan Cabdulqaadir oo hoggaaminaayey ciidanka howlgalkaas fuliyey ayaa warbaahinta u soo bandhigay hubka ay ka furteen Al-Shabaab iyo meydadka xubnihii ay ku dileen howlgalka.

Abaanduulaha ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanka Yaaq Bishaaro ay ku soo war geliyeen ciidamada amaanka in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay soo gaareen deegaanka sidaasna ay ugu soorta gashay inay xubnahaan dilaan kuwo kalena hubka ka furtaan.

Dhankiisa Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo ka hadlay sida ay ciidamadoodu ugu guuleysteen howlgalkaas ayaa sheegay inay ku raad joogaan rag uu sheegay inay Shabaab u qaabilsanyihii fulinta dilalka qorsheysan, kuwaas oo uu sheegay inay ku dhuumaaleysanayaan gudaha magaalada Kismaayo oo xarun u ah maamulka Jubbaland.

ciidamada-jubbaland.jpg ciidanka-jubbaland.jpg hub.jpg IMG_9640-1024x683-1.jpg Shabaab-10-1024x683-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this