Sign in to follow this  
Deeq A.

Korneel Macow oo digniin u diray shacabka Muqdisho, gaar ahaan dadka ehelka ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Khubarada dhanka amniga ayaa talooyin iyo digniino amni u jeediyey shacabka magaalada Muqdisho, si ay uga feejignaadaan qaraxyada iyo halisaha amni ee kaga imanaya shacabka Muqdisho.

Korneel Cabdullaahi Cali Macow, oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA, ayaa sheegay in dhowrka bil ee soo aadan ilaa sanadkaan loo baahan yahay in shacabka magaalada Muqdisho ee muujiyaan feejignaan dheeri ah, ayada oo ay u badan tahay in magaalada wajihi doonto dhacdooyin badan oo amni darro, sida ay ku ogaadeen baaritaano ay sameeyeen saraakiil ka tirsan xarunta Xalane ee Muqdisho.

“Sanad kasta oo kala guur ah Al-Shabaab waxay ka faa’ideystaan mashquulka siyaadeed iyo mida doorashooyinka waxayna beegsadaan shacabka, shaqaalaha dowladda iyo ciidamada, waxaa la filayaa in ay weeraro kale dhacaan waa in ay taxadaraan shacabka ku nool Muqdisho” ayuu yiri Cabdullaahi Cali Macow oo wareysi siiyey idaacadda Kulmiye.

“Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed ee dagan Muqdisho in ay socodka yareeyaan iskuna dayaan in ay ka baaqsadaan hoteelada iyo wadada Maka Al-Mukarama, ka soo bilaaw Banaadir ilaa liido iyo wadooyinka kale, sidoo kale goobaha la isugu yimaado ayana ka digayaa” ayuu yiri.

“Sidoo kale waa in waalidiinta aysan is raacin caruurta waa in laga baaqsadaa in hal gaari lawada raaco iyo in hal waqti la safro” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sarkaalkan.

Korneel Cabdullaahi Cali Macow, ayaa qaba in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku fashilantay sugida amniga Muqdisho loona baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay isku tashtaan maadaama ay dhamaan la’yihiin dhibaatooyinka taagan ee dhanka amaanka.

Hoos ka dhageyso wareysiga Korneel Macow oo marka hore ka hadlaya qaraxii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/Macow.mp3

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this