Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxbuus Hore Uga Tirsanaa Daacish Oo Ku Geeriyooday Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Maxbuus hore uga tirsanaa Daacishta Soomaaliya ku xukunaa xabsi gaadhaya 15 sanno ayaa ku geeriyooday xalay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

20200109_164202.jpg

Sarkaal oo magaciisa lagu sheegay Mahad Maxamuud Abuu Yaasiin ayaa haystay dhalashaada wadanka Ruushka ayaa u geeriyooday xanuun hayay todobaadyadii la soo dhaafay.

Mahad Maxamuud Abuu Yaasiin ayaa waxaa uu horay daacad ugu noqday hoggaamiyihii hore ee Daacish Abuu Bakar Al Baqdaadi isaga oo ballanqaaday in Daacishta Syria iyo Ciraaq oo kale uu ka sameynayo Soomaaliya.

Dhowaan ayaa waxaa gudaha xabsiga Muqdisho ku geeriyooday maxbuus ku xanuunsaday isagoo taliyihii xilligaas uu u diiday in lagu daweeyo Cisbitaal gaar loo leeyahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this