Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Lagaga Hadlay Shirkii Maanta Ee Golaha Wasiirrada Somaliland??

Recommended Posts

Deeq A.   

Fadhigii 52aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagaga dooday xeerar cusub, iyada oo sidoo kalena lagu ansixiyey xeer in muddo ah ay goluhu ka doodayeen.

FB_IMG_1578569349935.jpg

Ugu horrayn waxa fadhiga maanta lagu ansixiyey wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey xeerka Shaqaalaha Rayidka ah X/No 31/2004 oo ay goluhu dooddiisu kusoo jireen, iyada oo wasiirka hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland warbixin lagaga dhegaystay.

Waxa sidoo kale dood iyo falanqayn dheer uu goluhu ka yeeshay laba xeer oo kala ah:

  1. Xeerka
    Xeerka maalgashiga.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this