Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari Ka Tirsan Ciidanka Waddooyinka Puntland Oo Lagu Dilay Badhtamaha Magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boosaaso)-Dabley hubaysan ayaa askari katirsan ciidanka taraafikada Puntland ku dilay badhtamaha magaalada Bosaaso.

20200109_150714.jpg

Cumar Xaaji Yuusuf, oo ahaa askari caan ka ah Boosaaso, ayaa lagu dilay agagaarka xarunta dowladda hoose, maanta barqadii, kadib markii rag ku hubaysan bastoolado ay rasaas la dhaceen.

Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in dilayaashu baxsadeen booliiskuna uu goobta gaadhay markii uu falku dhacay.

Lama oga cidda falkaan ka dambeysay, hase yeeshee Al-shabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay dilal qorshaysan ka geysanaysay magaalada Boosaaso, oo sannadihii ugu dambeeyay ammaankeedu sii xumaanayay.

Maalmo kahor maxkamadda ciidammada Puntland, ayaa dil ku xukuntay rag katirsan Al-shabaab iyo Daacish oo Boosaaso ku dilay askar iyo saraakiil ciidan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this