Deeq A. Posted January 9, 2020 Muqdisho (SMN) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya ciidamada dawladda iyo Al-Shabaab uu maanta ka dhacay degaan u dhexeeya Afgooye iyo Wanlaweyn. Dagaalkan ayaa dhacay kadib markii Al-Shabaab ay jidka u galeen ciidanka, iyaga oo adeegsaday qarax, kadibna jid-gal. Wararka dhinaca amniga waxay sheegayaan inuu jiro khasaare soo gaaray askarta iyo Al-Shabaab, iyo weliba gaadiidka dagaalka. Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada ku lugta leh dagaalka ee dowladda iyo Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites