Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub Oo Ka Hadlay Weerarkii IRAN Ku Qaaday Ciidanka Mareykanka Ee Ku Sugan Dalka Ciraaq

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Brussels)-Wadamada midowga Yurub ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo soo afjaro adeegsiga hubka iyo xiisada ka taagan Bariga dhexe xilli ay sii xoogeysaneyso xiisada dagaal ee u dhaxeysa Washington iyo Tehraan.

157848503861b4d.jpg


Madaxweynaha guddiga midowga Yurub Ursula von der Leyen oo saxafiyiinta kula hadleysay arbacadii shalay magaalada Brusels ayaa ku boorisay labada wadan in wadahalo yeeshaan.


Ms Ursula ayaa intaa ku dartay in xalinta xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan ay kala hadli doonto ra’isul wasaaraha UK Mr Boris Johnson.


Adeegsiga hubka waxaa waajib ah in la joojiyo si fursad loo siiyo wadahalka ayay tiri kadib kulan ay la yeelatay wakiilada guddiga u matala midowga Yurub.


Baaqa nabadeed ee ka soo yeedhay midowga Yurub ayaa imaanaya kadib markii dowlada Iiraan weerar xoogan ay ku qaaday laba saldhig oo Milatariga Mareykanka kaga sugan yihiin dalka Ciraaq.


Xukuumada Iiraan ayaa sheegtay in weerarkaan ay ugu aargudeyso taliyihii hore ee ciidanka kacaanka Janaraal Qaasim Suleymani oo diyaaradaha mareykanka ku dileen madaarka caalamiga ah ee magaalada Baqdaad.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this