Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Ukraine Oo Shaki Ka Muujisay Cilada Ku Timid Diyaaradii Ku Burburtay Dalka Iiraan Ee Ay Ku Dhinteen 176 Qof

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Ukraim)-Saraakiisha dowlada Ukraim ayaan meesha ka saarin shakiga ay ka qabaan diyaarad rakaab oo laga lahaa dalkaasi oo aroornimadii Arbacada ee shalay ku burburtay magaalada caasimada ah ee Tehraan.

1578519536d2bd9.jpg

Diyaarada oo nooceedu ahaa Boeing 737-800 ayaa waxaa saarnaa 176 ruux oo isugu jiray rakaab iyo shaqaale ayaa cidna ka badbaadin iyadoo falkaan uu ku soo aaday xilli xiisada u dhaxeysa Washington iyo Tehran uu gacan ka hadal isku Badalay.

Dowlada Iiraan ayaa shaacisay in diyaarada UKraine ay ku burburtay hawada daqiiqado kadib markii ay ka duushay madaarka caalamiga ah ee Imaamu Khumeyni.

Sida uu muujinayo agabka lagula socdo dhaqdhaqaaqa diyaarada ee Radar ka loo yaqaan ayaa xukuumada Ukraine waxay sheegtay in 2,400 oo mitir ay hawada ku jirtay Diyaaradu.

Saraakiisha Iiraan ayaa sheegay in diyaarada ay cilad ku timid mid ka mid ah matoorada ay ku shaqeyso taasi oo keentay inay burburto.

Balse qoraal uu barta uu ku leeyahay Facebook soo dhigay madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayuu meesha uga saaray cilladaan, waxaana uu ka amray saraakiisha Ukraine in ay bilaabaan baadhitaan la xidhiidha burburka Diyaarada.

Cabsida ugu weyn ayaa ah in ciidanka Iiraan ay gantaal si qaldan ugu dhufteen diyaarada maadaama inta uu shilkaan dhicin Iiraan ay weerar ku qaaday ciidanka Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this