Deeq A. Posted January 9, 2020 Muqdisho (SMN) – Ciidamadda dowladda Soomaaliya oo xalay howlgalo qorsheysan ka fuliyey magaaladda Muqdisho ayaa qarxiyey Miinooyin. Ismaaciil Oronjo, afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta, ayaa sheegay in Miinooyinka laga soo saarey xaafada Baar Ubax, degmada Warta Nabadda. Dhinaca kale, ciidamadda ayaa beegsaday guri ku yaala xaafadda Xamar Jadiid ee isla degmadaas, kaasoo lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab. Mr Oronjo ayaa daboolka ka qaadey in laamaha ammaanka aysan waxba kasoo gaarin howlgalka, wallow uusan xusin hadii xubno lasoo qabtay. Howlgalkan ayaa kusoo aadaya saacado kadib markii qarax dhimasho sababay uu ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyadda Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites