Deeq A. Posted January 9, 2020 Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa shaaciyey in ay tababar u furayaan odayaasha soo xulaya Xildhibaanadda. Cabdinaasir Bayle, gudoomiyaha guddiga, ayaa ugu baaqay ergadda in ay si wanaagsan uga faa’ideystaan casharadda la siinayo. Mr Bayle ayaa tilmaamay in talaabadan ay qayb ka tahay dardargelinya ku dhawaaqista liiska Xildhibaanadda oo maalmaha soo aadan soo baxaya. Ugu dambeyntii, gudoomiyaha ayaa ku booriyey dhinacyadda in ay kala shaqeeyaan sidii ay ugu guuleysan waajibaadkooda, guddi doorasho ahaan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites