Deeq A. Posted January 9, 2020 Muqdisho (SMN) – Dabley hubeysan ayaa lagu waramayaa in saaka ay magaaladda Muqdisho ku dileen mas’uul dowladeed. Nasra Cali Geesood ayaa lagu toogtay suuqa degmadda Hiliwaa ee gobolka Banaadir, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal. Marxuumadda ayaa la sheegay in ay ahayd gudoomiye waaxeed ka tirsan degmadaas, isla markaana qaybaha sarre laga toogtay. Wali ma jiro wax war ah oo ku saabsan dilkaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir iyo lamaaha ammaanka. Dilalka noocaan ah oo mudooyinkii dambe ku yaraa magaala madaxda dalka ayaa waxaa looga bartay dagaalameyaasha Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites