Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uul lagu dilay degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dabley hubeysan ayaa lagu waramayaa in saaka ay magaaladda Muqdisho ku dileen mas’uul dowladeed.

Nasra Cali Geesood ayaa lagu toogtay suuqa degmadda Hiliwaa ee gobolka Banaadir, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal.

Marxuumadda ayaa la sheegay in ay ahayd gudoomiye waaxeed ka tirsan degmadaas, isla markaana qaybaha sarre laga toogtay.

Wali ma jiro wax war ah oo ku saabsan dilkaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir iyo lamaaha ammaanka.

Dilalka noocaan ah oo mudooyinkii dambe ku yaraa magaala madaxda dalka ayaa waxaa looga bartay dagaalameyaasha Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this