Deeq A. Posted January 9, 2020 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaciyay in Puntland ay gebi ahaanba qaaddacday Sharciga Batroolka Soomaaliya, oo ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka. Madaxweyne Deni ayaa sheegay, in Puntland aan lagala tashan diyaarinta Sharciga Batroolka Soomaaliya, balse ay taladiisa isku koobtay dowladda Federaalka, sidaasi darteedna aysan marnaba Puntland wax ku darsan doonin Sharci kasta oo aan talo laga siin. Wuxuu caddeeyay, in Puntland ay dhowaan soo saari doonto warqad rasmiya oo ay ku qaaddacayso Sharciga Batroolka Soomaaliya, oo sida uu sheegay ay soo diyaarisay dowladda Federaalka, iyadoo aysan wax talo ah ka siin dowlad goboleedyada dalka. Deni ayaa tilmaamay, in Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya uu dhigayo, in dhammaan arrimaah masiiriga ah ee dalka ay ka wada-tashadaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, taasi oo uu ku eedeeyay in dowladda hadda jirtay ay baalmartay. Ugu dambeyntii, wuxuu u mahadceliyay mudanayaasha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka ku matala Puntland oo sida uu sheegay qaadday ansixinta Sharcigaasi Batroolka. PUNTLAND POST The post Puntland oo qaaddacday Sharciga Batroolka Soomaaliya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites