Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo shaaciyay in uu bisha soo socota soo bandhigayo urur-siyaasadeed cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlayay Yoolasha u qorshaysan Xukuumaddiisa, ayaa mar kale ballan-qaaday, in ay ka go’antahay hirgelinta doorashada hannaanka Xisbiyada badan ee qof iyo cod.

Waxaan jecelnahay in aan dhiirri-gelinno Dimuqoraaddiyadda iyo tartanka, Waxaan aad iyo aad xoogga u saaraynnaa oo dhab naga ah, in mashruucaas Dimoquraaddiyadu uu hirgalo, haddii Ilaahay idinka dhigo.” Ayuu yiri mudane Deni.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu furan doono urur-siyaasadeed cusub, kaasi oo sida uu xusay ay hadda socoto diyaarinta qorshihiisa iyo magaciisa, si loo dhiirri-geliyo barnaamijka Dimuqoraaddiyeynta Puntland iyo hirgelinta doorashada xisbiyada badan.

Mudane Deni, ayaa shaaciyay in uu bisha labaad ee sannadkan 2020-ka uu si rasmiya ugu dhawaaqi doono urur-siyaasadeedkiisa cusub, kadib markii uu dhammaystiro hawlaha ka dhiman dhismaha ururkaasi.

PUNTLAND POST

The post Deni oo shaaciyay in uu bisha soo socota soo bandhigayo urur-siyaasadeed cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this