Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo soo saartay farriin ku socota dowladda Kenya kadib weerarkii saldhigga Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay ururka Al-Shabaab ayaa digniin culus loogu diray dowladda Kenya, waxayna u soo jeediyeen inay ku cibra qaadato weerarkii ay Axadii lasoo dhaafay ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee deegaanka Manda Bay.

Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu yiri: “Howlgalkii lagu qaaday saldhiga ciidamada badda Mareykanku ku leeyihiin Manda Bay, Kenya wuxuu ahaa gallad Allaah uu ku galadeystay mujaahidiinta. Si loo weeraro camp Samba waxaan dhaafnay xerooyin badan oo weliba taagdaran oo ay leeyihiin ciidmadiina militeriga Kenya, sababta aan u dhaafnay xeryahaas waxay aheyd in la ogaado taagdarida ciidamada Mareykanka ee idin tababara.”

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa bayaankooda ku sheegay in ciidamada ay Mareykanku u tababaraan dowladda Kenya ay dhibaato ku hayaan dadka muslimka ah ee ku nool meelo ay ka mid yihiin magaalo xeebeedka Mombasa iyo gobolka Waqooyi Bari, sida ay hadalka u dhigeen.

“Cutubyada ciidamada gaarka ah ee uu idiin tababaro Mareykanka ayaa dhibaato weyn ku haya muslimiinta ku nool Mombasa, gobolada waqooyi bari iyo dhul xeebeedka ay muslimiintu degaan. Waxey qeyb ka yihiin dilalka qorsheysan, afduubka, tacadiyada iyo dhamaan gabood fallada loo geysto culimada iyo dadka wax galka u ah muslimiinta aad xooga ku heystaan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale dowladda Kenya iyo shacabkeedaba ugu goodiyey inaysan nabad ku naaloo doonin inta ay Kenya heysato dhulka NFD.

“Shacabka Kenya marna nabad kuma noolaan doono, kumana hurdi doono inta aad xooga ku heysataan dhulalka mauslimiinta. Kenya ma ahaan doonto meel loosoo dalxiis tago inta ay dhibaatada ku heyso muslimiinta ku nool mandiqadan” ayaa lagu yiri warka Al-Shabaab.

Dhankooda dadka muslimka ah ee ku nool dalka Kenya ayey Al-Shabaab ugu baaqeen inay ka fogaadaan xarumaha iyo gaadiidka dowladda Kenya oo ay sheegeen inay bartilmaadsanayaan.

Qeybihii dambe ee qoraalkooda Al-Shabaab waxay uga hadleen qoraalkii ka soo baxay taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM, kaas oo ay ugu hadleen khasaarihii ka soo gaaray weerarkii Manda Bay, iyagoo ku sheegay qoraalkaas mid xaqiiqada ka fog.

“Macluumaadka aad faafiseen iyo khasaaraha aad qirateen kama turjumeyso jabkii idinku gaaray Manda Bay, waxaa dacfi idinkugu filan dacaayadaadka been abuurka ah iyo macluumaadka khaldan ee aad ka bixiseen khasaaraha idinku gaaray weerarkii Axadii, idinkoo ku marin habaabinaya shacabkiina”ayaa lagu soo gaba-gabeeyey qoraalka ka soo baxay maleeshiyada Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this