Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Joojiyay Duulimaadyada Dalal Ay Ku Jirto Ciraaq

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ciraaq-Wakaaladda Federaalka Duulimaadka madaniga ah ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday maanta in la mamnuucay isticmaalka hawada waddamada Ciraq , Iran, biyaha gacanka Khaliijka iyo badda Cammaan.

Cancelled22-750x430-1.jpg

Halka Shirkado kale oo sameeya duulimaadka Madaniga ah ay ku dhawaaqeen iyana in ay baddaleen jahada duulimaadkooda iyada oo laga fogaanayo hawada waddamada aan soo xusnay

Dhanka kale qaar ka mid ah waddamada caalamka ayaa muwaadiniin tooda kala baxaya Dalka ciraaq , halka kuwo kalana ay u dirayaan digniinno culus oo looga digayo khatar amni oo soo wajihi karta.

Dhammaan arrimahaasi oo dhan waxa ay ka dhasheen Saawiiriikhdii lagu ganay saldhigyo ciidanka Mareykanka ay kaga sugan yihiin Dalka Ciraq

Wakaaldda Duulimaadka Rayidka Mareykanka ayaa sheegtay in iyada oo laga fogaanayo xasaradaha milatari iyo kuwa siyaasadeed ee ka jira Bariga dhexe ay qaateen go’aanadan lagu bad baadinayo dadka rayidka ah

Inta go’aan kaan uusan soo bixin ayay Wakaaladda Duulimaadka Rayidka Mareykanka ammar ku bixisay in shirkadaha duulimaadka rayidka ah ku shaqada leh ay ku war galiyaan in dayuuradahooda aysan ku duuli Karin joog ka yar 26,000 oo mitir marka ay dul marayaan hawada Dalal ay ka mid yihiin Iran iyo Ciraq .

Sidaasi si lamid ah waxaa iyana go’aan kaas la mid ah ku dhawaaqay Dowladda Faransiiska oo sheegtay in ay mamnuucday in shirkadaheeda rayidka ay ku duulaan hawada Waddamada Iran iyo Ciraq.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this