Deeq A. Posted January 8, 2020 Ciidamada Kenya ayaa lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaqyo looga hortagayo weerarada Al-Shabaab ay ka bilaabeen gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo howlgallo wada lagu arkayo deegaanada dhaca xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Ujeedka dhaq dhaqaaqyadaan cusub ayaa ah sidii loo xoojin lahaa amniga gobolkaasi oo inta badan weeraro gaadma ah ay ka fuliso Al-Shabaab. Bilowga sanadkaan cusub Al-Shabaab ayaa kordhisay howlgalladeeda gudaha Kenya, waxaana ugu dambeeyey midkii ay shalay ku qaaday duleedka magaalada Gaarisa. View the full article Share this post Link to post Share on other sites