Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinta Khasaaraha Qaraxii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Inta la xaqiijiyay  4 ruux ayaa ku dhintay, 15 kalena waa ku dhaawacmeen Qaraxii saaka ka dhacay Isgosyka Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Goobaha Caafimaadka iyo Gurmadka deg dega ah ayaa laga soo xigtay in qaraxa ay ku dhinteen 4 qof, islamarkaan ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 15 ruux oo kale.

Malayshiyaadka Al-Shabaab oo  sheegtay mas’uuliyadda qaraxaasi, ayaa tilmamay in ay la beegsatay xubno ka tirsan mas’uuliyiinta Villa Somalia iyo Baarlamanka.

Qaraxa ayaa ku soo beegmay 10 maalmood kadib markii qarax ay Al-Shabaab ka fulisay Ex-Control Afgooye ee Muqdisho ay ku dishay 81 qof oo u badnaa shacab, 28-kii December 2019.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahinta Khasaaraha Qaraxii Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this