Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaca ninkii hoggaaminayey weerarkii Al-Shabaab ee Sareedo oo la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaarisa (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay macluumaad dheeri ah oo ku saabsan weerarkii ay Al-Shabaab Habeen hore ku qaadeen Saldhig ay leeyihiin ciidamada Booliska oo ku yaalo Deegaanka Sareedo.

Ciidamada Booliska dalka kenya ayaa soo bandhigay magaca nin ay sheegeen inuu hoggaaminayey weerarkii Sareedo kaasoo lagu dilay ciidamo Kenyan ah iyo arday.

Boolisku waxaa ay sheegeen in weerarkaasi uu ka dambeeyey nin lagu magacaabo Mauliid Bilaal, kaas oo ka hor inta uusan ku biirin Al-Shabaab macalin ka ahaa Iskuul ku yaalla deegaankaas, wuxuuna sabab u noqday inay Al-Shabaab ku biiraan dagaalyahano badan oo u dhashay Kenya.

Sida ay Kenya sheegtay, weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay  4 qof oo isugu jirtay seddex Arday iyo mid kamid ah Ciidamada Ammaanka Kenya, inkastoo ay Al-Shabaab sheegatay tiro intaas ka badan.

Kibet Bowen oo ah Guddoomiyaha deegaanka Dadaab ayaa shacabka ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah maadaama ay bateen Weerada Al-Shabaab, isla markaana ay la Shaqeeyaan Hay’adaha Amniga.

Al-Shabaab ayaa laba jibaaray weerarada ay ka fuliyaan gudaha Kenya, waxayna wargeysyada kasoo baxo dalka Kenya qoreen inay  dadka Shacabka ah bilaabeen inay ka barakacaan goobaha u dhow Saldhigga Mareykanka ee Lamu.

Kooxda Al-Shabaab ayaa mar hore wacad ku martay inay wadi doonto weerarada laga fuliyo gudaha Kenya inta ay dowladda Kenya kala baxeyso Ciidamada ka joogo Soomaaliya oo intooda badan ku sugan Gobolka Gedo iyo Jubbooyinka, Halka madaxweyne Uhuru Kenyatta uu isna sheegay inuusan lasoo bixi doonin ciidamadiisa inta Al-Shabaab laga ciribtirayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this