Deeq A. Posted January 8, 2020 Ugu yaraan saddex qof ayaa dhintay, lix kalena way ku dhaawacmeen, kadib qarixii barqanimadii maanta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho , sida uu warbaahinta u xaqiijiyey afhayeenka maamulka gobolka Banaadir. Saalax Xasan Cumar (Carab) ayaa sheegay inuu qaraxu ahaa mid gaari lagu soo xiray, islamarkaana uu qarxay xilli uu saf ugu jiray Conrtol gaadiidka lagu baaro, sidoo kalena laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo ku yaalla halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qaraxaan uu geystay khasaare hantiyeed, islamarkaana ay ku burbureen gawaari ku jirtay safka baaritaanka. Dhinaca kale Idaacadda Shabelle oo xiriir la sameysay saraakiisha gurmadka deg dega ee Aamin Ambulance ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan i9llaa 3 ruux, halka tirada dhaawacana ay ku sheegeen illaa iyo 15 kale oo ubadan dad rayid ah. Xarakada Al-Shabaab ayaa dhanka kale dhabarka u ridatay mas’uuliyadda qaraxaan, kadib qoraal ay ku baahisay baraheeda Internet-ka. Afhayeenka dhinaca howlgallada Al-Shabaab, Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkaan khasaare dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiiyeen mas’uuliyiin ka tirsana dowladda federaalka iyo ciidamo, sida uu hadalka u dhigay. Qaraxaan ayaa ku soo aadaya maalmo kadib midkii khasaaraha badan dhaliyey ee 28-kii bishii hore ka dhacay Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites