Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo dhaq dhaqaaqyo ka wada G/ Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa nabad sugida ee ka howlgala deegaanada Galmudug ayaa maanta howlgallo ka wada qeybo ka mid ah G/Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gaareen deegaano hoos yimaada degmada Ceelbuur, halkaas oo dhaq dhaqaaq ay ka wadaan iyana dagaalyahannada Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this