Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilaa saddex ruux ayaa inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay qarax goor dhoweyd ka dhacay Isgoyska Sayidka ee magaalada muqdisho, halkaasi oo lagu baaro gaadiidka aada xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Gaariga Qarxay ayaa la sheegay in uu kamid ahaa gaadiid saf ugu jiray in la baaro, si loo hubiyo meesha uu ka yimid, cidda saaran, halka uu ku socdo iyo alaabta uu sido.

Jugta qaraxa oo ay weheliso uuro iyo qiiq hawada isku shareeray ayaa laga arkay goobta qaraxaasi ka dhacay ee kantaroolka laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Wararku waxay sheegayaan, in sidoo kale qaraxu uu burbur xooggan gaarsiiyay qaar kamid ah gaadiidkii safka kula jiray, inkastoo aan weli si faahfaahsan xog looga helin khasaarihiisa.

PUNTLAND POST

The post Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this