Deeq A. Posted January 8, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Mudane Saalax Xasan Cumar (Saalax Carab) ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay qarixii barqanimadii maanta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Saalax Carab ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid lagu soo xiray gaariga, islamarkaana uu qarxay, xilli uu saf ugu jiray Conrtol gaadiidka lagu baaro, sidoo kalena laga ilaaliyo xarunta Villa Soomaaliya oo ku yaalla halkaasi. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey afhayeenka maamulka gobolka Banaadir inay ku dhinteen illaa saddex qof, kuna dhaawacmyeen lix kale. Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in qaraxa uu dhacay xilli ay gaadiid fara badan ku jireen safka baaritaanka, islamarkaana uu burbur soo gaaray. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inay socdaan baaritaano ay wadaan laamaha ammaanka oo lagu ogaanayo, sida ay wax u dhaceen. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, sida ay goor dhow ku baahisay boggagooda Internet-ka. Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo ah afhayeenka dhanka howlgallada ee dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaan ay khasaare ku gaarsiiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamo, sida uu hadalka u dhigay. Qaraxaan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah nabad gelyada oo maalmihii la soodhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho. Share this post Link to post Share on other sites