Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar Madaafiic Ah Oo Xalay Lagu Qaaday Saldhiga Ciidanka Mareykanka Ee Ciraaq Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Baqdaad)-Wararka aanu ka heleyno Magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas laga maqlay ilaa iyo saddex Madaafiic oo xooggan.

iraq-explosion-military-base-750x430-1.j

Madaafiicda ayaa waxaa wararku sheegayan inay ku dhaceen agagaarka Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Baqdaad.

Sidoo kale Madaafiicda ayaa waxaa ka dhashay Khasaare kala duwan, waxaana ku dhaawacmay 4 qof, iyadoona loola cararay xarumaha Caafimaad ee ku yaalla dalkaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya Hoobiyeyaal kale lagu weeraray Saldhig Ciidanka Mareykanka ay ku leeyihiin Waqooyiga Magaalada Badqaad, isla markaana waxaa ku sugan Ciidan Mareykan ah oo aad u badan.

Illaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Mareykanka oo ay uga hadlayaan Madaafiicda xalay lagu garaacay Saraafadda ay ku leeyihiin Badqaad.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this