Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada Dadka Ku Dhintay Fatahaada Ku Dhuftay Qeybo Ka Mid Ah Indonesia Oo Korodhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Indonesia)-Kooxaha gurmadka deg dega ah ee Indonesia oo wata diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa bilaabay sabtidii shalay in gargaar u badan raashin iyo biyo ay u qeybiyaan dadka ku dhaqan deegaanada Go’doonka.

1578146776e6c51.jpg

Roobab xoogan oo ay ka dhasheen duufaano dabeylo wata ayaa waxaa ku dhintay 53 qof iyadoo laga cabsi qabo in dhimashada ay korodho, sida ay xaqiijisay xukuumadda Jakarta.

Dhanka kale tobanaan kun oo qof oo ku nool magaalada caasimada ayaa hoy la’aan wajahaya kadib markii guryahooda ay daadad xoogan galeen.

Waa tiradii ugu badneyd ee ku dhimata muddo sannado ah fatahaado xoogan oo ka dhashay roobab sanadkaan ka da’ay magaalada caasimada ah ee Jakarta oo ay ku nool yihiin 30 Malyan oo qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this