Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab Oo Saaka Weerar Culus Ku Qaaday Saldhigga Ciidammada Badda Mareykanka Ee Ee Dalka Kenya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Lamu)-Wararka aan ka heleyno Gobolka Lamu ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Ciidanka Mareykanka iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin deegaan ka tirsan Gobolkaas.

Al.jpeg

Weerarka oo ahaa mid ku bilaamay Qaraxyo ayaa waaberigii hore ee saaka ka dhacay Saldhig Ciidamada Mareykanka gaar ahaan kuwa Badda iyo Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Manda Bay ee ka tirsan Gobolka Lamu, waxaana Saldhiga lagu magacaabaa Camp Simba.

Intaasi kadib gudaha Saldhiga ayaa waxaa ka qarxay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamadii ku sugnaa halkaas iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday, isla markaana waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War qoraal ah oo ku qornaa luuqadaha Carabiga iyo Enlgish-ka oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa lagu faah faahiyay weerarkii ka dhacay deegaanka Manda Bay oo ka tirsan Gobolka Lamu.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka dhex-dagaalamayan gudaha Saldhiga Ciidanka Mareykanka iyo kuwa Kenya, isla markaana qeybo kamid ah ay la wareegeen Saldhiga.

Illaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Mareykanka iyo Kenya ee ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Lamu ee dalka Kenya oo ay uga hadlayaan weerarka ka socda deegaanka Manda Bay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this