Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad Ay Saarnaayeen 180 Qof Oo Ku Bur-Burtay Meel Aan Ka Fogeyn Caasimada Dalka IRAN Ee Tehran.

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbaahinta dalka Iran ayaa kusoo warrantay in diyaarad nooceedu yahay 737 oo ay saarnaayeen 180 qof ay ku burburtay meel aan ka fogeyn caasimadda Iran ee Tehran.

Wakaaladda wararka ee Fars ayaa kusoo warrantay in diyaaradan oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee Ukraine ay burburtay waxyar un kadib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha ee Imam Khomeini ee caasimadda Tehran.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay ee shilka diyaaradda.

Wararku waxay intaa ku darayaan in diyaaradda ay kusii jeeday caasimadda Ukraine ee Kiev, ilaa iyo haddana ma cadda waxa sababay shilka diyaaradda iyo in ay la xidhiidho xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran.

Wixii warar ah ee kasoo kordha halkan kala soco.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this