Deeq A. Posted January 8, 2020 Madaxweyanaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa khadka isgaarsiinta kula hadlay Madaxweyanaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmuudg, Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo haatan abuul siyaasdeed oo ka dhan ah dhismaha maamulkaasi ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ilo wareedyo lagu Kalsoon yahay ayaa Shabelle u sheegay in Madaxweynha Soomaaliya uu Xaaf ka dalbaday joojinta ololaha siyaasadeed ee uu ka wado magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dhankiisa Madaxweyne Xaaf uu dowladdaweydiistay in 20 xildhibaan laga siiyo baarlamaanka cusub ee Galmudug, sida Ahlu Sunna. Dhinaca kale waxaa Gaalkacyo ka socdo dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda oo ay wadaan ciidamo ka taabacsan Xaaf iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Galmudug ayaa u muuqda inuu ka baxay heshiiskii uu la galay dowlada federaalka ee ku aadanaa dhismaha maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites