Deeq A. Posted January 8, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo lala beegsaday Control ay halkaasi ku leeyihiin ciidamada dowladda. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac,waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay. Xaaladda ayaa sidoo kale kacsan, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay isku geedaamay ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites