Deeq A. Posted January 8, 2020 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyeed oo xalay ka kacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa qabsaday guri ku yaalla xaafada Howlwadaag ee magaalaaasi, gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaanop Onodka. Wararka ayaa sheegaya in marka hore dabka uu qabsaday Shidaal guriga yaalay, waxaana uu sababay geerida Aabe lagu magacaabi jiray Sheekh Cumar iyo laba wiil oo uu dhalay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in hooyada qoyska oo dhaawac ah laga soo badbaadiyey dabkaasi. Dhacdadaan ayaa waxa ay murugo ku reebtay dadka deegaanka, gaar ahaan kuwii dariska la ahaa qoyskaasi oo saaka si aad ah u hadal haya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites