Sign in to follow this  
Deeq A.

Iran oo gantaalo ku garaacday saldhiyada Maraykanka ee gudaha dalka Ciraaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Difaaca Mareykanka, ayaa xaqiijisay in  Iran ay ilaa 10 gantaal xalay ku garaacday, laba saldhig oo uu millatariga Mareykanka ku leeyahay gudaha waddanka  Ciraaq.

 Waaxda Gaashaandhiga  Mareykanka ee loo yaqaano Pentagon-ka, ayaa sheegtay in gantaallada baalistiga lagu garaacay saldhigyada al-Assad iyo Irbil ee ciidamada cirka Mareykanka.

Dhinaca kale, bayaan kasoo baxay Ciidamada Ilaalada kacaanka Iran, ayaa lagu sheegay in uu si guul ah ku dhamaaday weerar ay sheegeen in ay ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Ciraq.

Waxa kale oo bayaanka lagu sheegay, in duqeyntaasi loogu aargudayay jeneraal Qassem Soleimani, oo ay todobaadki hore Mareykanka ku dileen duqeyn cirka ah, xilli uu marayay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Baghdad.

Labada dhinac midkoodna weli kama hadal, khasaaraha ka dhashay gantaalaha, ay Iran ku garaacday saldhigyada Maraykanka ee gudaha dalka Ciraaq, balse Pentagon-ka ayaa sheegaya in ay weli qiimaynayaan haddii khasaare jiro.

PUNTLAND POST

The post Iran oo gantaalo ku garaacday saldhiyada Maraykanka ee gudaha dalka Ciraaq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this