Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax gaari oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa si xoogan looga maqlay xaafadaha Muqdisho ayaa ka dhacay isgoyska sayidka oo uu ku yaallo Control laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, islamarkaana uu geystay khasaare kala duwan.

Gaadiidka gurmad deg dega ah ee Ambalaasta ayaa haatan ku sii qul qulaya meesha uu qaraxu ka dhacay, waxaana sidoo kale isku hareereeyey ciidamada dowladda.

Xaaladda ayaa kacsan, iyadoona uu socdo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Faah faahinta kala soco: caasimada.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this