Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo war ka soo saartay maxaabiistii ka baxsatay xabsiga dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay guddigii loo xil saaray kiiska maxaabiis dhawaan ka baxsatay xabsiga dhexe ee Xamar.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in guddiggaan ay ku howlan yihiin sidii baaritaano loogu sameyn lahaa dadkii xabsiga ka fakaday iyo sida ay ugu suurto-gashay.

Wasiirka ayaa xusay in wixii ka dhacay xabsiga ay aheyd arrin halis ah, islamarkaana kuwii fududeeyay loola xisaabtami doono, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Saddex maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in dhawaan baxsadeen, sida ay sheegayaan warar laga helay Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, inkasta oo mid ka mid ah dib loo qabtay..

Xubnaha baxsaday ayaa sidoo kale wararka ay sheegayaan inay ka tirsan yihiin a Al-Shabaab, islamarkaana horey loogu riday xukunno, taasi oo dowladda dhexdeeda ka dhalisay carro xooggan.

Xabsiga Dhexe ee Xamar oo ku yaalla degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu yahay mid amnigiisa siweyn loo ilaaliyo, waxaana cadeyn sababta keentay in maxaaabiis xukunaa ay baxsadaan, inkasta oo loo badinayo inay qaar ka mid ah maamulka xabsiga sii daayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this