Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkad qaadatay go’aan dhaawac ku ah Kenya kadib weerarkii Shabaab ee Lamu

Recommended Posts

Deeq A.   

Lamu (Caasimada Online) – Shirkadda dhismaha Shiinaha ee China Communication Construction Company (CCCC) ayaa shalay ku dhowaaqday inay sababo amni u joojisay dhismihii ay ka wadday dekedda Lamu, kadib weerarkii ay Al-Shabaab halkaas ku qaaday Axaddii, oo lagu dilay saddex Mareykan ah.

Shirkadda ayaa sheegtay inay dhimsha hakad gelisay illaa muddo toddobaad ah, inta xaaladda amni ee gobolka si wanaagsan loogu xaqiijinayo.

“Waqtigan la joogo xaaladda Lamu County waa mid aad halis u ah. Si aan u xaqiijinno ammaanka dhammaan shaqaalaha, waxaan hakinay shaqadii aan ka wadnay halkaas illaa 13-ka bisha” ayey shirkadda CCCC ku tiri qoraal ay u dirtay shaqaalaheeda.

“Dhammaan shaqaalaha, ka taga goobta oo aada guryihiina sida ugu dhaqsiyaha badan, islamarkaana suga ogeysiis kale oo ku saabsan inaad soo laabataan” ayey shirkadda ku tiri warqadda ay u dirtay shaqaalaheeda.

Shirkadda Shiineeska ayaa dhiseysa saddex ka mid ah 32 goobood oo maraakiibta ay kusoo xirtaan oo ay dekedda yeelaneyso.

Gobolka Lamu oo ka mid ahaa meelaha ugu badan ee loo dalxiiska tago dalka Kenya ayaa waxaa dhaawac xooggan gaarsiiyey weerarada Al-Shabaab, ayada hadda uu noqdo meel ay uga fogaadaan dalxiisayaasha.

Qaar ka ka mid ah shacabka daganaa Gobolka Lamu ayaa sidoo kale bilaabay inay u barakacaan magaalooyinka yar yar, si ay u nabad galaan.

Barakacaan ayaa bilowday maalin kadib markii Kooxda Xagjirka ah ee Al-Shabaab ay weerartay Saldhig Militari oo Mareykanka ay halkaas ku leeyihiin, halkaasi oo lagu dilay seddex kamid ah Shaqaalaha Mareykanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this