Sign in to follow this  
Deeq A.

Bulshada Dhuusamareeb oo 5 neef geel ah laga gudoomay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xoolo lagu dhiiri galinayo ciidanka qalabka sida iyo kuwa AMISOM waxa ay ka guddoomeen bulshada ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka ee Degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Geella uu yahay 5 Neef ay ugu talagaleen cidanka qalabka sida, isla markaana ay tahay marti qaad loo sameynayo ciidanka.

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa sheegay in dadka deegaanka ay isxilqaameen, loona baahanyahay in lagu daysado, isagoo xusay in tani ay muujineyso sida ay  dowladnimada u jecelyihiin bulshada Galmudug.

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta joogtada ah ee ay maamulka iyo odoyaasha dhaqanka Dhuusamareeb u sameynayaan madaxda dowladda Federaalka iyo ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan.

1-8-300x200.jpg 2-8-300x200.jpg 3-8-300x200.jpg 4-7-300x200.jpg 5-6-300x200.jpg 6-6-300x200.jpg 7-6-300x200.jpg 8-4-300x200.jpg 11-6-300x200.jpg 13-6-300x200.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this