Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Waare oo kulamo ka wada Buulo-Burte

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Buulo-Burte ayaa weli kulamo ka wada gudaha magaaladaasi.

Waare ayaa kulamo kala duwan la qaadanaya odayaasha dhaqanka oo uu kala hadlayo khilaaf dhinaca maamulka ah oo ka taagan degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Khilaafka ayaa yimid, kadib markii waxgaradka deegaanka ay ka biyo diideen guddoomiye cusub oo uu dhowaan wasiir Caadle u magacaabay degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in kulamadu aysan ka soo bixin wax natiijo ah, islamarkaana lagu ballamay kuwa kale, si xal looga gaaro arrintaasi.

HirShabelle ayaa inta badan is bedal ku sameysa mas’uuliyiinta degmooyinka iyo kuwa maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this