Deeq A. Posted January 7, 2020 Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud taliyaha qeybta Booliska gobolka ee maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa amaro dul-dhigay wadayaasha gaadiidka, gaar ahaan kuwa Takaasida ee ka howlgalada gudaha magaalada Boosaaso. Taliyaha ayaa sheegay in darawalladu aysan qaadin karin qof aynan ogeyn halka uu ku socdo iyo waxa uu yahay intaba. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in looga baahan yahay inay cidkasto oo ay ka shakiyaan ku soo wargaliyaan laamaha ammaanka ee magaaladaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/lll.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites