Sign in to follow this  
Deeq A.

AFRICOM oo Duqeyn Cusub Fulisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, ciidanka  kumaandoosta ee ka  howlgasha deegaanada maamulka Jubbaland, oo kaashanaya ciidamadda  AFRICOM ayaa saacadihII u dambeeyay duqeeyay Fadhiisimo ay maleeshiyada Al-shabaab ku lahaayeen, deegaanka Caanoole,oo hoostaga dgmada Badhaadhe ee gobalka Jubbada hoose .

Dhinaca kale duqeyn tan la mid ah ayaa ciidanku ka fuliyeen  xero ku taala degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Dhexe, waxaa sidoo kale ay Ciidanku duqeeyeen saldhiga  Maleeshiyadu ku lahaayeem  degmada  Jilib oo ka tirsan isla gobalka Jubbada Dhexe oo ay ku sugnaayeen Horjoogayaal sar sare oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab,waxaana lagu bur buriyay saldhigii cadowgu ku lahaa halkaasi.

Gaashaanle dhexe Xasan Maxamed Ciraaqi oo ah Taliyaha Ciidanka kumaandoosta Soomaaliya qeybta Jubbaland oo la hadlaya Warbaahinta Qaranka ,ayaa u xaqiiyay in goobaha ay duqeymuhu ka dhaceen lagu gaarsiyay Khasaaro xooggan horjoogayaashii ku sugnaa halkaasi wakhtiga duqeyntu dhaceysay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this