Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Maraykanka oo duqeymo la beegsaday Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya  ku sugan dowlad goboleedka  Jubbaland, oo kaashanaya Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM, ayaa duqeyn culus  ka geystay fariisimo maleeshiyada Al-shabaab ay ku lahaayeen, degaanka Caanoole oo ka tirsan degmada Badhaadhe ee gobalka Jubbada hoose.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa duqeyn kale ka fuliyay xero ku taala degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Dhexe, halkaasi oo ay tababar ku qaadanayeen dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo loo  diyaarinyay in ay dhibaatooyin ka gaystaan degaannada Jubaland.

Wakaaladda Wararka SONNA, ayaa soo tebisay in sidoo kale ciidamadu duqeeyeen  fariisimo Al-shabaab ku lahaayeem  degmada  Jilib oo ka tirsan isla gobalka Jubbada Dhexe, ay ku sugnaayeen saraakiil sar sare oo kamid ah Al-shabaab.

Wakaaladda  oo xiganaysa Gaashaanle dhexe Xasan Maxamed Ciraaqi oo ah Taliyaha Ciidanka kumaandoosta Soomaaliya qeybta Jubbaland, ayaa sheegtay  in goobaha ay duqeymuhu ka dhaceen khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Maraykanka oo duqeymo la beegsaday Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this