Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Cawad oo la kulmay boqorka dalka Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibada JFS ayaa Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga kula kulmay Boqorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan.

Wasiir Cawad ayaa Salaan uu ka sido Madaxweyne Farmaajo waxa uu gaarsiiyey Boqorka Dalka Sacuudiga, isagoo sheegay in sacuudiga uu yahay saaxiib dhaw oo xulufo la ah Soomaaliya.

Wasiir Cawad iyo boqorka dalka Sacuudiga ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee walaalaha ah waxaana ay labada dhinac isla garteen in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeyo labada dowlad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa dalka Sacuudiga kaga qeyb galaya Shir u dhaxeeya Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka kulaala Gacanka Cadan iyo Badda Cas.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this