Deeq A. Posted January 7, 2020 Ciidamada nabad sugida Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka bilaabeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud. Wararka ayaa sheegaya in ciidanka NISA ay gaareen deegaanka Barujeed, kadib markii agagaarka deegaankaasi lagu arkay dagaalyahanno ka mid ah Xarakada Al-Shabaab. Taliyaha nabad sugida Guriceel, Maxamed Gaanyac Cabdulle oo hogaminayo howlgalka ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii ay uga hortagi lahaayeen Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites