Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay inay xubno ka tirsanaa kooxda Daacish ku dishay BARI

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada sida gaarka u tababaran ee Puntland ayaa ka warbixiyey howgallo qorsheysan oo ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulkaasi.

Howlgallada oo ka dhacay deegaanka Toga Miraale oo hoos yimaada magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladaasi ayaa sheegay in lagu dilay illaa afar xubnood oo uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxdaasi, inkastoo aysan shaacin magaciisa.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen saraakiishu in dhaq dhaqaaqyadooda ay sii socon doonaan, islamarkaana ay ku gaari doonaan deegaano hor leh.

Daacish ayaa ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari, iyadoo weeraro gaadma ah ku soo qaada saldhigyada ciidamada Puntland ee gobolkaasi.

Sidoo kale muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Puntland ayaa kordhiyey howlgallada ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa muddo la dagaalameysa kooxahaan oo inta badan weeraro iyo dilal qorsheysan ka geysta magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this