Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeymo iyo howl-gal culus oo lala beegsaday Al-Shabaab oo xubno lagu soo qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jilib (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo culus oo xalay laga fuliyay degmooyin ka tirsan gobalada Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose.

Goob joogayaal ka tirsan dadka Jubbooyinka ayaa Caasimada Online u sheegay, in xalay ay arkeen diyaarado dagaal oo aad u iftiimaya islamarkaana magaalooyinka qaar leerar waa weyn ku ifiyay kadibna la maqlay duqeyn culus iyo dagaal toos ah.

Sidoo kale sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in xalay iyaga iyo saaxiibo caalami ah ay duqeyn ka fuliyeen goobo muhiim ah oo ka tirsan Jubbooyinka, islamarkaana ay khasaaro culus gaarsiiyeen Al-Shabaab.

“Xero ciidan oo ku taala degmada Jilib oo ay ku xareesnaayeen dagaalamayaal Al-Shabaab ah ayuu xalay bartilmaameedka Jubada Dhexe ahaa, waxaana halkaas wax ku gaarsiisinay tobaneeyo UGUS ah” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

“Sidoo kale degmada Jamaame ayaa laga fuliyay duqeynta waxaana halkaas ku fashalinay weerar u qorsheysnaa Kenya in lagu qaado oo lagalo goobo muhiim ah” ayuu yiri sarkaalka aan la hadalnay.

“Waxaa dilnay koox loo diyaariyay in Kenya gudaheeda galaan, gaar ahaan goobo muhiim ah oo reer galbeedka ku badan yihiin sida hoteelo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkaan ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.

Wararka sidoo kale ka imaanaya Jubbooyinka ayaa sheegaya in ciidamo diyaarado ka digay duqeynta kadib in ay nolasha ku qabteen ilaa 4 qof oo la sheegay in ay yihiin xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.

Dagaalka oo markii hore lasheegey in uu ku bilowdey duqeyn ayaa isku bedeley iska hor imaad toos kadib markii ay degeen labo diyaaradood oo nooca qumaatiga ukaca ah duleedka xerada laduqeeyey diyaaradaas oo halkaa ku daadiyey ciidamo ku qalabeysanaa hub culu,s sida uu sheegey sarkaalka ka tirsan sirdoonka soomaaliya.

Dhinaca kale, isla xalay ayaa diyaarado dagaal waxay duqeyn ka fuliyeen degaan lagu magacaabo Caga-libaax oo ka tirsan Jubada Hoose, waxaana la sheegayaa in halkaas lagu dilay amiirka ciidamada Jubooyinka ee Al-Shabaab oo magaciisa lagu sheegay Xasan Yare.

Weeraradaan xalay ka dhacay Jubooyinka ayaa yimid 24 saac kadib markii ay Al-Shabaab dagaal iyo qaraxyo ku qaadeen xaruntii ciidamada Mareykanka ee dalka Kenya, kaas oo shalay wararka ugu waa weyn ka ahaa aduunka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this