Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo weli kulamo ka wada M/ Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay hoygiisa kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Galmudug.

Khayre ayaa odayaasha kala hadlay arrimo ku aadan dhismaha loogu jiro maamul loo dhan yahay oo yeeshaan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbaday waxgaradkaasi inay ka qeyb qaataan dar dar gelinta howlaha doorashada iyo dhismaha maamulka Galmudug.

Dhowaan ayaa la filayaa in la guda galo arrimaha doorashada maamulkaasi oo isugu jirta mida guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha ee dowlad goboleedka Galmudug.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this