Deeq A. Posted January 7, 2020 Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu ka qeyb gali doono xaflad lagu maamuusayo sanad guurada koowaad markii madaxweynaha Puntland loo doortay, Siciid Deni. Sidoo kale waxaa maanta Garoowe ku sii jeeda qaar ka mid ah hoggaanka xisbiyada siyaasadeed ee dalka oo iyaguna ka qeyb gali doono munaasabaddaasi. Puntland ayaa ah maamulkii ugu horreeyey ee ka aas aasma Soomaaliya, waxaana ay hormuud u tahay dowlad goboleedyada hadda ka jira dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites