Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan in laga wareejiyo Maamulka Hawada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Duulista Rayidka ah ee dowladda Federaalka  Soomaaliya, oo 30-sano sano kaddib la soo wareegtay maamulka Hawada dalka,  ayaa sheegtay in ay mar kale walaac ka qabto,  in dib loogala wareego maamulka Hawada.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya, Axmed Macalin Xasan oo la hadlay Warbaahinta dowladda,  ayaa sheegay  in shirciga Duulista rayidka oo haatan horyaalla Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka, ay wax badan uga xiranyahay Howlaha Duulista Hawada.

13 ka bishan waxaa Nairobi ka dhici doono shir looga hadlayo Hawada Soomaaliya, anagoo ugu horeyn nala wey diin doono sharcigii duulista Hawada” ayuu yiri Axmed Macalin Xasan.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya, ayaa sheegay in Xildhibaannada Golaha Shacabka in 4-tii bishan ay meel mariyeen sharciga Duulista rayidka ee Hawada, waxaana uu Xildhibaananda Golaha Aqalka Sare ka codsaday inay sharciga ansixiyaan.

Mudane Axmed ayaa tilmamay in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay hadda soo saartaa 22 milyan, haddii sharciga la ansixiyana ay hay’adda soo saari doontaa ku dhawaad 50 milyan oo doolarka Mareykanka.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan in laga wareejiyo Maamulka Hawada dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this