Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo baxay kulankii Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo qdayaasha Waceysle?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Odayaasha beesha Waceysle ee qaybta ka ah saxiixayaasha Galmudug ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo mudda toddobaad ah halkaas ku sugan.

Sida laga soo xigtay xafiiska Kheyre, odayaasha ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku taageeray qorshihiisa dhismaha Galmudug loo dhanyahay, waxeyna ballan qaadeen inay ku garab taagaan doonaan ka mira dhalinta dadaallada dhidibada loogu taagayo dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay oo ka shaqeysa danaha reer Galmudug.

Shirka ay wada qaateen saxiixyaasha Galmudug ee beesha Waceysle iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale looga hadlay dib-u-xureynta deegaannada Al-Shabaab ay uga suganyihiin Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa odyaasha u sheegay in xukuumaddiisu ay muhiimad gaar ah siineyso xoreynta deegaannada xeebaha Galmudug ee kooxda Shabaab ay ummadda ku dhibaateyso, waxuuna u ballan qaaday in sida ugu dhaqsaha badan looga dul qaadayo kooxda Shabaab, si dhammaan reer Galmudug ay uga faa’iideystaan dowlad gobaleedka loo dhisayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa waayihii dambe waday qorshe ballaaran oo lagu xoreynayo deegaannada iyo degmooyinka Galmudug ee Shabaabku maamulaan, waxaana dhawaanahaan ciidamo qayb ka ah qorshaha uu tababar uga socday Xerada Har-qaboobe ee Guricel, iyada oo sidoo kale la geeyay ciidamo kale oo qayb ka xoreynta, waxaana wax ka bedel iyo horumarin lagu sameeyay taliska qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka.

WhatsApp-Image-2020-01-06-at-3.47.33-PM. WhatsApp-Image-2020-01-06-at-3.47.34-PM. WhatsApp-Image-2020-01-06-at-3.47.34-PM- WhatsApp-Image-2020-01-06-at-3.47.34-PM-

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this