Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare oo ansaxiyey sharci cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15783203195738260.jpg?w=1000&ssl=

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho, ku yeeshay kulankoodii 24-aad ee Kalfadhiga 6-aad, wuxuuna ajandaha kulanka ahaa akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka Batrooolka dalka.

Kulanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi, iyadoo ay ku wehelinayeen Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Abshir Maxamed Axmad iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Moowlid xuseen Guhaad.

Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ,Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Batroolka Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal iyo xubno kale oo ka tirs Wasaaradda.

Kulanka ayaa looga dooday soojedin senatarada ay soo gudbiyeen oo aheyd in la anssixiyo hindise sharciyeedka Batroolka, sida uu oga soo gubay Golaha Shacabka, waxaana u codeeysay 28 Senatar, 24 Senatar ayaa ogolaaday, halka ay ka aamuseen 4 senatar.

Ugu dambeyna Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xashi Cabdullahi ayaa ku dhawaaqay in uu ansax yahay hindise sharciyeedka Batroolka dalka.

PUNTLAND POST

The post Aqalka Sare oo ansaxiyey sharci cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this