Deeq A. Posted January 6, 2020 Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta dhaqaatiir kala duwan waxaa ay u dirtay deegaanka Saaxdheer ee koonfurta gobolka Sool. Maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaankaasi ka dilaacay cudur ay u geeriyoodeen illaa saddex ruux, dad kalena ay u il daran yihiin. Wasaaradda ayaa sheegtay in kooxo dhaqaatiir ah loo diray Saaxdheer, kadib markii baaqyo kala duwan ay ka soo baxeen odayaasha iyo waxgaradka . Dhaqaatiirtaas ayaa waxaa ay qiimeyn ku sameyn doonaan dadka bukaanada ah ee isbitaallada jiifa, si loogu qabto baahiyaha caafimaad oo ay qabaan. Dowlad goboleedka Puntland aya horay u shegtay in ay dhaqatiir ay diri doonaan deeganadaasi, si looga jawaabo cabashada ka soo yeertay dadka Deegaanka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites